AKHRISO:- Ciidamo Macawiisley ah oo howlgal xoogan ka sameeyay Shabeellaha Hoose

0

Ciidamada degaanka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa howlgallo ay ka fuliyeen degaano hoostaga degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana hoggaaminayay howgallada Guddooomiye kuxigeenkii hore ee arrimaha Bulshada degmada Walanweyn iyo taliyaha Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ee degmada Walanweyn.

Degaannada howlgallada laga fuliyay ayaa waxaa ay kala yihiin Dabridka, Moorgalaale, Dhinmaayooleey oo kuyaalla Galbeedka degmada Walanweyn, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ee degmada Walanweyn ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallada ay ka fuliyeen degaannada hoostaga degmadaas.

Guddooomiye kuxigeenkii hore ee arrimaha Bulshada degmada Walanweyn Maxamed Xaaji Muqtaar Gacma-dheere ayaa sheegay in degaannada ay howlgallada ka fuliyeen ay ahaayeen kuwo ay Al-Shabaab ku dhibaateyn jireen dadka Shacabka ah