AKHRISO:- Waa sidee xaaladda degaanka Shabeellow oo uu dagaal ka dhacay?

0

Waxaa saaka xaalad deganaansho ah laga dareemayaa dhulka howdka ah ee degaanka Shabeellow, halkaas oo shalay gelinki dambe uu ka dhacay dagaal xooganaa oo u dhaxeeyay Ciidamada xoogga dalka, kuwa daraawiishta Galmudug iyo kuwa degaanka oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Dagaalka oo ay Ciidamada Huwanta ku qaadeen dhulka ay isku aruursanayeen Al-Shabaab ayaa waxaa ku dhintay Saraakiil iyo Askar halka Maamulka Galmudug dhankooda ay sheegeen inay dagaalka kudilen Saraakiil katirsan Al-Shabaab.

Wasiirka Amniga Galmudug Maxamed Cabdi Aadan ( Gaboobe) ayaa sheegay in khasaaro xoogan ay Al-Shabaab ku gaarsiiyeen dagaalkii ka dhacay duleedka degaanka Shabeellow, isla markaana weli ku raadjoogaan xubnihii kale ee ka haray.

Dagaalkii ka dhacay shalay dhulka howdka ah ee degaanka Shabeellow ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa dagaalkii ugu adkaa ee waayadaan ka dhaca degaannada kuyaalla Koonfurta Gobolka Mudug.