AKHRISO:- Amniga Magaalada Beledweyne oo xumaaday iyo dilal ka dhacay

0

Waxaa sii xumaanaya maalmihii la soo dhaafay Amniga Magaalada Beledeyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, halkaas oo muddo 12 saac Gudahood ah ay ka dhaceen dilal loo geystay Dad Shacab ah.

Waxaa xalay Magaalada Beledweyne lagu Dilay Ganacsade Xasan Xaaji Daahir oo kamid ahaa Ganacastada Magaalada Beledweyne, isaga oo maalmihii la soo dhaafay dhismo ka waday Kiliga Waraaboolle oo ah goob laga dhisay biyo xireen.

Dilka ayaa ayaa sigaar ah uga dhacay Xaafada Howlwadaag ee Magaalada Beledweyne, waxaana la sheegay inay geysteen kooxo hubeysan kuwaas oo baxsday markii ay dileen ganacsadaha .

Dhinaca kale Kooxo hubeysan ayaa kudilay Magaalada Beledweyne gaar ahaan laanta Hiiraan Haweeneey lagu Magacaabi jiray Caasho Uunsile oo kamid aheyd Haweenka Magaalada Beledweyne.

Laamaha Amniga Magaalada Beledweyne ayaan weli ka hadlin dilalka muddo 12 saac Gudahood ah ka dhaca Magaalada, iyada oo horay uga dhaceen dilal iyo qaraxyo.