AKHRISO:- Soomaaliya oo ballan qaadyo Horumarin ah ka heshay hay’adda ILO

0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim oo booqasho ku jooga magaalada Qaahira ayaa kulan gaar ah la qaatay Mudane Alexio Musindo Agaasimaha Xafiiska ILO ee dalalka Somalia, Ethiopia, Djibouti, Sudan iyo South Sudan, ahna wakiilka gaarka ah ee AU iyo ECA ee dhanka Shaqada.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala socday labada dhinac oo uu ka mid ahaa Mudane Mahdi Maxamuud Cali oo ah La-taliyaha Sare ee MOLSA, Marwo Sucaad Cabdullaahi Macallin Agaasimaha Waaxda Sharciyada iyo Xiriirka Shaqada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Fatuxa Cabdullaahi Ciise La-taliye Arrimaha Bulshada ee Wasaaradda, ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin siyaabaha kor loogu qaadi karo iskaashiga ka dhexeeya ILO iyo Soomaaliya ee dhinacyada Shaqada iyo Horumarinta Bulshada.

Wasiir Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa sheegay in kulankan uu yahay mid lagu xoojinayo xiriirka labada dhinac, wuxuuna sidoo sheegay in hay’adda ILO uu ka helay ballan qaad la xiriira dhammaan dhinacyada u baahan in Soomaaliya laga taageero sida dhanka ilaalinta Bulshada iyo horumarinta shaqo hufan (Decent Work) iyo tayenyta horumarka shaqaalaha hay’adaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.