AKHRISO:- Khasaaraha ka dhashay Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Buulo-burte

0

Ugu yaraan Lix ruux ayaa ku geeriyootay, halka 11 qof kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii duhurnimadii Maanta uu qarax Is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxo qarxa uu ka dhacay degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan.

Qaraxa ayaa sida ay ku warrameen dad ku sugan Buulo-burte ka dhacay Suuqa lagu iibiyo Hilibka ee degmadaas, waxaana la tilmaamay in gaariga qaraxyada siday uu qarxay, iyadoo rasaas ay ku furayaan ciidanka Booliska Hirshabeelle ee goobta joogay.

Dadka ku dhintay qaraxa ayaa la xaqiijiyay in afar kamid ah ay yihiin dad shacab ah, halka laba qof kalena ay ahaayeen Askar ka tirsan ciidanka maamulka, dhaawacyada ayaa la geeyay xarumo caafimaad, kuwaasi oo qaarkood la keenayo Muqdisho.

Sidoo kale qaraxa Is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay degmada Buulo-burte ayaa geystay burbur xooggan oo gaaray dhismayaashii ka Agdhawaa Suuqa lagu iibiyo Hilibka ee degmadaas oo ah sida la tilmaamay meel aad u mashquul badan.

Sabtigii lasoo dhaafay ee todobaadkaan ayay aheyd markii qarax Is-miidaamin oo galaaftay nolosha ku dhawaad 30 ruux, isla markaana ay ku dhaawacmeen in ka badan 50 ruux uu ka dhacay gudaha magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.