AKHRISO:- Xildhibaan Ciid” Argagixisada markii furimaha looga adkaaday, waxay bilaabeen in ay beegsadaan dadka rayidka ah”,

0

Cabdirisaaq Ciid oo ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya lagana soo doortay Hirshabeelle ayaa sheegay in ay argagixisada ku jabeen dagaalka lagula jiro, loona baahan yahay in ay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Baladweyne ay ka feejignaadaan dhagartooda.

Xildhibaanka ayaa hoosta ka xariiqay in ay Khawaarijtu bilaabeen in ay beegsadaan dadka rayidka ah, isaga oo Bulshada ugu baaqay in ay feejignaadaan.

“Argagixisada Al-shabaab markii Furimaha looga adkaaday waxa ay bilaabeen in ay beegsadaan Dadka Rayidka ah,”Xildhibaanka bulshada ugu baaqay in ay feejignadaan.

Sidoo kale, Xildhibaan Cabdirisaaq Ciid ayaa ku tilmaamay in sida kaliya ee dhagarta argagixisada looga guuleysan karo tahay in la wada shaqeeyo dhammaan laamaha ammaanka iyo shacabka, taas oo meesha ka saareysa in argagixisada soo dusiyaan gaadiidka qaraxyada ka soo buuxiyaan si ay shacabka u dhibaateeyaan.

Hadalka Xildhibaanka ayaa ku soo aadaya xilli shalay Khawaarijtu ay magaalada Baladwyne ka geysatay qarax gaari oo ay ku gumaatay shacab Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.

Khawaarijta waa laga adkaaday, waqtigoodana waa dhammaaday, Shacabka Baladweynena waxay muujiyeen geesinimo sida haddii la iskaashado looga guuleysan karo argagixisada hadda gabalkooda sii dhacayo.