AKHRISO:- RW Xamse oo ka hadlay qarixii Baladweyne

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed ee Maanta ku naf-waayay qarax Is-miidaamin ahaa oo maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Ra’iisul Wasaaraha oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku tilmaamay Qaraxa Beledweyne ka dhacay fal argagixiso oo fuleynimo ah oo lagu beegsaday shacabka, kaasi oo dhaliyay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac iyo burbur baaxad leh.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa Allaah (SWT) uga baryay inta ku shahiidday qaraxa Beledweyne inuu jannadii Fardowso ka waraabiyo, inta ku dhaawacantayna caafimaad degdeg ah siiyo.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan illaa 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen 20 kale oo u badan dad shacab ah oo aan waxba galabsan.