AKHRISO:- Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo Saraakiil kula kulmay Degmada Awdheegle

0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa gaaray degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada hoose .

Taliyaha ayaa kulan la qaatay saraakiisha Ciidanka xoogga ee Awdheegle ku sugan waxaana uu ku amaanay sida ay uga hortageen Weerarlii Alshabaab ay ku qaadeen degmadaas iyo sida ay isaga caabiyeen.

Safarka Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka uu ku tagay degmada Awdheegle ee gobolka shabeelada Hoose ayaa imanaya xiili dagaal culus oo u dhexey Cidamada Dawlada Federaalka iyo Alshabaab uu ka dhacay degmadaas.