AKHRISO:- Axmed Madoobe oo kulan la yeeshay wafdi ka socday Dowladda Somalia

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo xarunta Madaxtooyada magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ku qaabilay Wasiiro ka tirsan xukuumada Faderaalka Soomaaliya.

Wasiiraddan oo kala ahaa Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Axmed Madoobe Nuunow iyo Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukuumada Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed iyo xubno katirsan xafiiska wasaaradahaas ayuu Madaxweynaha Jubaland ku qaabilay xarunta Madaxtooyada, iyadoo Wasiirada dhigooda ah ee Jubaland ay qayb ka ahaayeen qaabilada iyo soo dhaweeynta loo sameeyey wafdiga.

Ujeedka socdaalka Wasiiraddan ayaa ahaa xoojinta xiriirka iyo wada shaqeeynta kala dhaxaysa Wasaaradaha kale ee wadashaqeynta la leh iyo sidii mashaariicda hormarineed ee ka socda guud ahaa dalka la isaga kaashan lahaa.