AKHRISO:- Wafdi ka socda Dawlada Federaalka oo ku wajahan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

0

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa gaaray Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta xukumadda Federaalka Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed oo ay wehliyaan xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ayaa ku sugan Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ku sii jeeda degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Wasiir C/risaaq Cumar Maxamed ayaa utagaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan si uu qeyb uga howl-galka ka dhan ka ah Al shabaab ee ka socdo degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale wasiirka Batroolka iyo Macdanta xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan u tagaya soo dhaweynta Wafdi Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo la filayo in maalinta Beri ah ay gaaraan degmadaas si uu halkaas uga bilaabo abaabulka dagaal ee ka dhan Alshabaab