AKHRISO:- Malleyshiyaad loo diyaariyay dagaalka AL-Shabaab oo lagu soo bandhigay Caabudwaaq

0

Magaalada Cabudwaaq ee gobolka galgaduud waxaa lagu soo bandhigay gadiid dagaal iyo bulsho diyaar u ah inay kaalin muuqata ka qaataan dagaalka ka dhanka ah AL-Shabaab ee deegaanada galmudug.

Gaadiidka dagaal iyo Malleyshiyaadka lasoo bandhigay ayaa waxaa u dhammeystiran hubkooda iyo gadiidkooda, waxaana soo diyaariyay beelaha dega waqooyiga gobolka gaduud.

Waxaana horay Magaalooyinka Guriceel iyo Cadaado oo ka tirsan Gobalka Galgaduud loogu soo bandhigay Malleyshiyaad loo diyaariyay dagaalka AL-Shabaab, kaasi oow ajigiisa labaad si toos ah looga hagi doono Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Sidoo kale Magaalada Cabudwaaq waxaa wali ka socda Abaabul Ciidan oo loga qayb qadanayo dagaalka ka dhanka ah AL-Shabaab.