AKHRISO:- Madaxweyne Xasan sheekh oo guddoomiyeey shirka la dagaalanka Al-Shabaab

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada heer Federaal iyo kuwa dowlad-goboleedka Galmudug.

Shirkan ayaa looga hadlay xaaladda amni, qorshaha waqtiga dhow ee xoreeynta deegaannada ku jira gacanta Khawaarijta iyo dardar galinta abaabulka xooggan ee ka socda Galmudug, kaas oo ay dadka deegaanku kaga qayb qaadanayaan halganka dib u xoreynta dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo dul istaagay marxaladihii uu soo maray dagaalka ka dhan ah Al-shabaab ayaa sheegay in dowladda Federaalku ay dajisay siyaasad cad oo lagula diriraayo argagixisada taas oo leh saddex dhinac oo ku wajahan dhaqaalaha, fikirka iyo furimaha dagaalka, waxa uuna xusay in sida ugu dhaqsaha badan ay u bilaaban doonaan dhammeystirka wajiga koowaad ee ladagaallanka Khawaarijta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay qorshaha bixitaanka ciidamada ATMIS ee Soomaaliya iyo la wareegidda ciidamada Qaranka ee mas’uuliyadda amniga dalka ayaa tilmaamay in dowladdu ay ka shaqeyneyso tayeynta iyo tababarka ciidadamada xoogga dalka oo guulo muuqda laga soo hooyay.