AKHRISO:- Shiinaha oo DFS ku wareejiyay Lacag loogu talagalay in lagu daabulo Gargaar

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee hay’adda SoDMA ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya dalkeena Fea Shengchao .

Kulanka Guddoomiyaha iyo Safiirka Shiinaha waxaa goobjoog ka ahaa xubno katirsan madaxda hay’adda SoDMA,

Safiirka ayaa Guddoomiyaha ku wareejiyey lacag ka badan 150,000 oo dollar oo ay ugu talagaleen in lagu daabulo gargaar mucaawino ah oo hore ugu soo wareejiyeen hay’adda SoDMA kuwaas oo loogu talagalay in la gaarsiiyo deeganada Shabaabka laga xoreeyey, kuwa laga xoreyn doono iyo dadka ay saameeyen Abaaraha.

Kulanka sidoo kale waxaa looga hadlay in Dowladda Shiinaha hay’adda ay ka caawiso Mashaaricda Horumarinta,Qalabeenta iyo Dhisida ceelasha biyaha,Tababarada Shaqaalaha Hay’adda, iyo sii xoojinta Xiriirka hay’adda iyo Safaarada.