AKHRISO:- Milliteriga la wareegay talada Niger oo Dalab hordhigay Kooxda Wagner

0

Maamulka Milliteriga ee dalka Niger ayaa la sheegay inay taageero ka codsadeen kooxda Calooshood-u-shaqaystayaasha Raashiya ee PMC Wagner, xilli ay Saraakiisha Nigeria ka walaacsan yihiin suurtogalnimada faragelinta Ciidamo ka socda dalalka ku bahoobay Urur-Gobaleedka ECOWAS.

Madaxda Dowladaha Ururia ECOWAS waxay horey ugu baaqeen Milliteriga Nigeria inay xilka dib ugu wareejiyaan Madaxweynihii la afgembiyey, Maxamed Bazoum ugu dambayn Maalinta Axadda ee berrito.

Madaxweynaha xiran ee la Afgembiyey bishii hore ee July 26-dii ayaa sheegay inuu yahay La- La- hayste u xiran Ciiddankii isaga afgembiyey.

Codsiga Saraakiisha Milliteriga ee Niger ayaa soo baxay, kadib, markii uu Hoggaamiyaha Afgembiga, Jeneral Salifou Mody uu dhawaan ku tegay dalka Mali, halkaasi oo uu xiriir la sameeyey Shaqsi ka socday Kooxda PMC Wagner.

Sarkaalka waxa uu intaasi ku daray inay maqleen Wararka sheegayo inay Askarta la wareegtay Talada Niger ay Taageero ka codsadeen Kooxda Wagner ee dalka Mali ku sugan.