AKHRISO:- Dad ku dhintay goob laga soo saaro dhagaxaanta oo kusoo duntay

0

Ugu yaraan saddex ruux oo kamid ahaa dadka muruq-maalka ayaa geeriyooday, kadib markii ay soo duntay goob laga soo saaro dhagxaanta oo ku taalla degmada Kimuri ee ismaamulka Kirinyaga ee gobolka bartamaha dalka Kenya.

Taliyaha Booliska ee deegaanka Mwea ,James Mutua ee Kenya oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in dadkaas ay ku dhinteen goobta kusoo duntay, isla markaana uu qof afaraad si dirqi ah uga badbaaday inuu halkaasi ku geeriyoodo.

Waxaa uu taliyaha xusay in meydadka saddexda qof la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka magaalada Kerugoya.

Sidoo kale Taliyaha Booliska ee deegaanka Mwea ,James Mutua ee Kenya ayaa hadalkiisa intaas kusii daray inay wadaan baaritaano lagu xaqiijinaya sababta keentay in goobtaasi laga qodo dhagxaanta inay soo dunto.