AKHRISO:- Mo Farah oo ka hadlay guuldaradii Soomaaliya kala kulantay tartanka Orodka Shiinaha

0

Xiddigga ciyaaraha Olympic-kada Mo Farah ayaa ka mid ah dadka ka falceliyay gabadhii Soomaaliya uga qayb gashay tartanka oradka ah ee ka dhacaya dalka Shiinaha, oo Soomaaliya guuldarro kala kulantay.

Mo Farah ayaa la yaab ku tilmaamay sida wax u dhaceen. Muuqaal uu bartiisa Tiktok uu soo dhigay ayuu ku yiri “Oradku qabiil malahan Soomaali Maxamed waa in aan arrintaan wax ka qabannaa,”.

Wuxuu ka mid noqonayaa Mo Farah dad badan oo siyaabo kala duwan uga falceliyay fadeexadda Soomaaliya ka soo gaartay tartanka oo ay uga qayb gashay gabar lagu magacaabo Nasro Abuukar Cali.

Dhanka kale Guddiga Olombikada Soomaaliya ayaa fuliyey amar kasoo baxay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Soomaaliya, kaas oo ahaa in shaqada laga joojiyo guddoomiyha xiriirka ciyaaraha fudud ee Soomaaliya marwo Khadiija Aadan Daahir.

Khadiijo Aadan Daahir oo horaan BBC la hadashay ayaa sheegtay in Nasro Abuukar aysan lahayn taariikh orodyahannimo balse ay qaadatay layli usuurta galinaya in ay ka qayb gasho orodka 100ka mitir.