AKHRISO:- Duqa Muqdisho oo sheegay inay ka guuleysteen Al-Shabaab iyo Ciyaal Weero

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa sheegay in ay ka guuleysteen dagaalkii ay la galeen Al-Shabaab iyo Kooxihii Ciyaal weerada ahaa ee dadka ku dhibaateyn jiray Magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay inay ku guuleysteen in ay hagaajiyaan Aniga Magalada muqdisho, isla markaana hadda dhammaan degmooyinka Gobolka Banadir Amnigooda ay yihiin kuwo leysku hale karo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf xuseen Jimcaale Madaale ayaa ugu baaqay dadka kunool Gobolka Banaadir inay la Shaqeeyaan laamaha Amniga si ay ugu noolaadaan amni buuxa.

Hadalka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay uu xuma amniga Magaalada Muqdisho, isla markaana ay ka dhaceen qaraxyo iyo dilal qorsheysna oo lala beegsaday as’uuliyiin dowladeed iyo askar.