AKHRISO:- Bangiga Adduunka oo mallaayin Dollar u ansixiyay Soomaaliya

0

Guddiga Sare ee Maamulka Baanka Adduunka ayaa ansixiyay deeq lacageed oo dhan $75 milyan oo loogu talagalay kabka miisaaniyadda Dowladda, deeqdaas oo gaar ahaan ka timid barnaamijka horumarinta Siyaasadda Dhaqaalaha (DPO).

Dowladda Federalka Soomaaliya waxa ay si buuxda u soo dhaweyneysaa, kana mahadcelinaysaa taageerada Miisaaniyadeed ee Bangiga Adduunka uu ugu deeqay Dowladda Soomaaliya.

Taageeradaan Maaliyadeed waxa ay imaaneysaa xilligii ugu habooneyd ee dowladdu ay guul ka gaartay dib-u-habeynta dhaqaalaha, waxa ayna sahlaysaa in si habsami leh ay u siiscodaan dadaalada loogu jiro kobcinta dhaqaalaha loo dhan yahay.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo soo dhaweeysay tallaabada ay Guddiga Sare ee Maamulka Baanka Adduunka ugu ansixiyeen si loogu kabo miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya.

Dowladaha Caalamka qaarkood iyo Hay’adaha kala duwan ayaa Soomaaliya waxaa ay ka taageeraan dhinacyada Dhaqaalaha, Amniga iyo arrimo badan oo u baahan tahay Soomaaliya.