AKHRISO:- Wararkii ugu dambeeyay ee Shirka dib u heshiisiinta Beelihii ku dagaalamay Sh/Dhexe oo socda

0

Guddomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe ahna Duqa Magaalada Jowhar Axmed Meyre Makaraan ayaa ka qeyb galay shirka dib u hishiisiinta beelo walaalo ah oo dhawaan ku dagaalamay Deegaano u dhaxeeya Degmooyinka Cadalle iyo Raagacelle

Shirka dhab u hishiisinta oo ka qabsoomaya Deegaanka Burka Dirimeed ayaa waxaa si wadajir ah u daah furay Madaxweynihii Dowladii kumeel gaarka aheed ee Soomaaliya Mudane sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Dowlada Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe xuseen

Gogosha nabadeed ayaa waxaa sido kale ku sugnaa Imaam Daahir Imaam Mohamud , Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo Maamulada Degmooyinka Cadalle iyo Ragacelle waxaana shirka goob joog ahaa Odoyaasha labada dhinac ee beelaha ay dirirtu dhexmartay.