AKHRISO:- Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dabkii dhawaan ka kacay suuqa Jigjiga oo la shaaciyay

0

Gudiga loo xilsaaray inay soo qiimeeyaan arrimaha suuqii gubtay ee magaalada Jigjiga ayaa muddo kaddib waxay shaaciyeen hantida dhabta ah ee ku basbeeshay suuqan, iyagoo sheegay in hanti qiimaheedu gaareyso 1 Bilyan iyo 536 Milyan oo Birr ay ku gubatay suuqii waynaa ee ganacsiga ee magaalada Jigjiga.

Dhinaca kale Gudigu waxay sheegeen inay gacantooda ay kusoo xarootey lacag gaaraysa 102 Milyan oo Birr oo ah lacagihii ay hadda ka hor ku yabooheen qaar kamid ah Bangiyada, Xawaaladaha, Shirkadaha adeegga lacagaha yaryar iyo waliba qaar kamid ah dadka muxsiniinta ah ee ku dhaqan gudaha dowlad degaanka Soomaalida.

Dadkii ka ganacsan jiray suuqan ayaan wali helin goob kale oo ay ganacsigoodii kusii wataan, iyadoo dadkan ay ku jireen kuwo tan iyo maalintii uu suuqu gubtay aan helin wax ay qoysaskooda ku biilaan, waxayna dadkani dowladda ka codsadeen in la gacan qabto isla markaana loo sameeyo goob kale oo ay kusii wataan ganacsigooda ilaa inta looga dhisayo meel rasmi ah oo ay ku ganacsadaan.

” Waxaan rabnaa in dowladdu si degdeg ah noogu dhisto goob aanu ku ganacsano ama anagaa meel kumeel gaar ah dhisanayna ee dowladdu waa inay howshaa nagu gacan siiso “, waa hadallada ugu dambeeya ee ay leeyihiin qaar kamid ah ganacsatadii hantidoodu ku gubatay suuqii Taywaanka ee magaalada Jigjiga.

Bilowgii bishan aynu ku jirno ee Luulyo ayay ahayd markii uu dab wayn ka kacay suuqii waynaa ee ganacsiga ee magaalada Jigjiga kaas oo gabi ahaanba basbeelay, waxaana tan iyo maalintaa jiray kulamo kala duwan oo maalinle ah oo gudiyada ganacsatadani iyo mararka qaarna xubno dowladda ah yeelanayeen, kuwaas oon wali natiijo rasmi ah laga gaarin.