AKHRISO:- Ciidamda Dawlada oo Halwgal ku dilay Xubno tirsan Alshabaab

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal Qorshaysan ka fuliyay Goob ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Alshabaab oo ku taalla deegaanka Ceel-bashiir islamarkaana oo ah wadada xiriirisa Deegaanka Jameeco iyo Degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay.

Dawlada Soomaalya ayaa shegtay in Hawlgalkaan uu dhacay xalay waxaa lagu dilay 10 xubnood ka tirsan Alshabab oo sugnaa goobtaas.

Goobta hawlgalku ka dhacay waxa ay ahayd Fariisin Alshabaab ay lacago ua qaadayeen Gaadiidka, iyaga oo maalmihii danbe u isticmaalayay in ay ku cuna-qabateeyaan shacabka ku nool Gobalka Baay.

Hawlgalku waxa uu kusoo dhamaaday sidii ay u qorsheeyeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa laagu yiri war ka soo baxay Dawlada Federaalka Soomnaaliya .