AKHRISO:- Faah faahin kasoo baxeysa Mas’uul saaka lagu dilay Magaalada Muqdisho

0

Kooxo hubeysan ayaa saaka xaafad ka tirsan degmada Xamarjajab ee Gobolkaan Banaadir ku dilay Guddoomiye ku-xigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Faqay Cabdulle Mayoow, isagoona u geeriyooday rasaas qeybaha sare ee jirkiisa looga dhuftay, isla markaana waxaa goobta uu falka dilka ah ka dhacay ka baxsaday dableydii hubeysneyd.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo meel aan sidaas uga fogeyn ku sugnaa ayaa qaaday Meydka Faqay Cabdulle, waxaana la geeyay Xarunta hay’adda dembi baarista ee CID-da.

Dilka loo geystay Guddoomiye ku-xigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda degmada Awdheegle ayaa kamid noqonaya dilal horey uga dhacay magaalada Muqdisho oo ay mas’uuliyadooda sheegatay Al-Shabaab.