AKHRISO:- Duqa Muqdisho oo ku dhawaaqay in Amniga Caasimadda uu yahay mid wanaagsan

0

Guddomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ( Madaale) ayaa sheegay in xilligaan amniga Caasimadda uu yahay mid soo hagaagaya oo aad uga wanaagsan sanadihii la soo dhaafay.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray Guddoomiyaha in Amniga Magaalada Muqdisho uu ku yimid dadaal iyo iskaashi xoogan oo ay sameeyeen laamaha Amniga iyo Shacabka loona baahan yahay in la soo laba jibaaro.

Guddomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ( Madaale) ayaa ugu baaqay Shacabka Caasimadda inay sii xoojiyaan la Shaqeynta laamaha Amniga si amniga loo sii xaqiijiyo.

Hadalkan kasoo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kusoo aadaya xilli bilihii la soo dhaafay uu aad u wanaagsan yahay Amniga Magaalada Muqdisho, isla markaana dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay sii laba jibaari doonto amniga Caasimadda.