AKHRISO:- Guddoomiye Aadan Madoobe oo Guddi gaar ah u saaray heshiiskii Golaha wadatashiga Qaran

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa magacaabay Guddi gaar ah oo kasoo talabixiya heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran oo ay xukuumadu usoo gudbisay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xubnaha Guddiga oo ka kooban 5 Xubnood ayaa Shaqadoodu tahay inay kasoo talo bixiyaan heshiiskii ay gaareen Golaha wadatashiga Qaran.

2) In Guddigu uu warbixintiisu kuusoo celiyo Guddiga Joogtada Golaha Shacabka:

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka waxaa la faray in uu xubnaha Guddiga ku wargeliyo in ay si degdeg ah ku howlgalaan, kullamadooduna abaabulo una fidiyo dhammaan wixii xil gudashadooda u fududeynayo.

Si waafaqsan Qodobka 37aad Faqradda 5aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka, muddada xilhaynta guddigan waxay ku eg tahay isla maalinta Guddigajoogtada Golaha Shacabka ka go’aan gaaro warbixintooda.

Xubnaha Guddiga uu guddoomiyaha Golaha Shacabka u xil saaray kasoo talo bixinta heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ayaa waxaa ay Magacyadooda kala yihiin.

Xildhibaan Cabdisamed Maxamuud Xasan Faarax
Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux
Xildhibaan Maxamuud Cabduqaadir Xaaji (Jeego)
Xildhibaan Muktaar Maxamed Guuleed
Xildhibaan Cabdullaahi Cabdi Maxamed (Geel qaad)
Dhawaan ayaa waxaa la filayaa in Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya in la horgeeyo heshiiskii Golaha wadatashiga Qaran ay ku gaareen magaalada muqdisho, kaas oo ay kasoo horjeesteen inta badan Siyaasiyiinta mucaaradka ah.