AKHRISO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay munaasabadda Calan-saarka ee 1da Luulyo

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabadda Calan-saarka sannad guurada 63-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed ee dalka iyo midnimadii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.

Cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka soomaaliyeed ayaa calanka Jamhuuriyadda saaray abaaro 12-kii saq-dhexe oo ku beegan 63 sano ka hor isla waqtigii calanka la suray magaalada Muqdisho, 1-dii Bishii Luuliyo 1960-kii.

Xaflaado kala lagu xusayo 1-da Luulyo ayaa xalay sidoo kale ka dhacay gobollada dalka, iyadoo Magaalada Muqdisho laga riday Buuloleyr loogu Dabaal-daggayo maalintaan wayn.

26kii juun 1960kii ayaaFagaaraha xoriyadda ee magaalada hargaysa waxaa la suray Calankii ugu horeeyay ee xor ah oo laga taago ciid Soomaaliyeed, waana habeenkii uu goobtii calansarka ka mariyay Allaha u naxariistee marxuum C/llaahi Suldaan Tima- cadde gabaygii taariikhda galay ee ahaa ( Sareeyoow ma Nusqaamoow aan siduu yahay eega’e kanna siib kanna saar).