AKHRISO:- Caro ka dhalatay fal lagu gubay nuqul kamid ah kitaabka Qur’aanka Kariimka

0

Salman Momika oo ah Kirishtaan 37 jir ah, kuna nool dalka Sweden ayaa waxa uu Maalintii Koowaad ee Ciiddul-Adxa uu Nuqul ka mid ah Masxafka Qur’aanka Kariimka ku gubay Barxadda Masjidka Jaamaca ugu weyn ee ku yaalla Caasimadda dalka Sweden ee Stockholm.

Ninkaasi Kirishtaan ah ayaa waxa la sheegay inuu dhowr sano ka hor ka soo qaxay dalkiisa Hooyo, iyadoo Falka uu ku gubay Kitaabka Qur’aanka sameeyey, xilli ay Ilaalo ka hayeen Askar ka tirsan Boliska dalkaasi.

Muuqaalo la soo dhigay Baraha Bulshada ayaa waxaa laga dheehday Askarta oo Is-hortaagtay Dhallinyaro Muslimiin ah oo doonayey inay ka hortagaan Falka lagu gubi lahaa Nuqulka Kitaabka Qur’aanka Kariimka.

Muuqaallada ayaa waxaa kaloo laga arkayey Salwan Momika oo ku xad-gubayo Nuqulka Kitaabka Qur’aanka Kariimka iyo isagoo gubayo dhowr Baal oo ka mid ah Kitaabka Qur’aanka Kariimka.