AKHRISO:- Shiinaha oo Caalamka ugu baaqay in la horumariyo hannaanka siyaasadda ee Somalia

0

Ergayga joogtada ah ee dowladda Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobay Zhang Jun ayaa ku baaqay in la sameeyo dadaallo lagu horumarinayo hannaanka siyaasadda ee Soomaaliya,xilli uu ka qeybgalay shirka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay,kaas oo khuseeyay arrimaha Soomaaliya.

Hadal uu jeediyay ayuu ku sheegay in beesha Caalamku ay ixtiraamtaa madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya,isla markaana la bixiyo taageero wax ku ool ah.

Zhang ayaa soo jeediyay in golaha ammaanka ay dib u eegis ku sameeyaan Soomaaliya, isla markaana wax ka beddelaan tallaabooyinka cunaqabateynta hubka ee saaran ,iyadoo ay lagama maarmaan tahay in Soomaaliya laga taageero sidii ay u xoojin laheyd awoodeeda difaaca.

“Shiinuhu wuxuu soo dhawaynayaa hindisaha u dhexeeya Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya, iyo Kenya ee ah in la sii qoto dheereeyo iskaashiga la dagaalanka argagixisada gobolka si loo ilaaliyo ammaanka guud, ayuu yiri.

“Shiinuhu wuxuu diyaar u yahay inuu beesha caalamka kala shaqeeyo sidii ay gacan uga geysan lahayd sidii nabad iyo xasillooni waarta loogu heli lahaa Soomaaliya,” sidaasi waxaa carabka ku adkeeyay ergeyga Shiinaha ee fadhigiisu yahay Qaramada Midoobay.

Dowladda Federaalka waa in ay dar dar gelisaa tayeynta ciidamadeeda amniga, ayna sare u qaaddo awoodeeda madax-banaan ee ka hortagga waxa loogu yeero argagixisada, ayuu yiri ergayga Shiinaha.

Shiinaha ayaa waxa uu mar walba Soomaaliya ka taageerayaa dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro nabad waarta iyo dib u dhis qaran, waxaana uu ka caawiyay dalka in uu kor u qaado awooddiisa dagaallanka iyo ilaalinta xasilloonida.