AKHRISO:- Maxa ka soo baxay shirka Guddi Hoosaadka Golaha Wasiiradda ?

0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyey kulanka Guddi Hoosaadka Golaha Wasiiradda ee Tiirka Amniga Qaran oo lagu soo bandhigay qodobo muhiim u ah xoreynta iyo xasillinta dalka, Cunaqabaynta Hubka iyo qorshaha dhimista Ciidanka ATMIS.

Shirka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira howlgallada socda ee lagu xasillinayo amniga guud ee dalka iyo wajiga labaad ee Hawgallada ka dhan ka ah Alshabaab .

Kulanka ayaa lagu gorfeeyey qabyo-qoraalka heshiiska mamnuucista tijaabinta hubka halista ah ee Nukleerka iyo Xeerka Amniga Hoteelada, Goobaha Ganacsiga iyo Xarumaha Adeegga Bulshada.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay u diyaar garowga qorshaha dhimista Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, warbixin la xiriirta halka uu marayo qaadista cunaqabataynta hubka iyo qoondeynta Ciidanka Booliska Soomaaliya ee Maamul Goboleedyada, gaar ahaan ciidamada amniga ee la geynayo deegaannadii dhowaan laga saaray Alshabaab.