AKHRISO:- Wafdi maanta ku wajahan Magaalada Baraawe

0

Wararka imaanaya Nagaalada Baraawe ee Caasimadda Dawlad goboleedka Koofur galbeed ayaa sheegaya in maanta Halkaas ay ku wajahan yihiin wafdi isugu jira Mas,uliyiin ka tirsan Dawlada Federaalka Soomaaliya , Siyaasiyiin , Waxgarad iyo xubno ka socda Maamulka Koofur galbeed.

Ujeedada socdaalka Wafdigan ayaa la sheegay in ay tahay sidii xal looga gaari lahaa dagaal sababay khasaare isugu jira Dhimasho iyo dhaawac oo maalmo ka hor ka dhacay Magaalada Baraawe kaas oo u dhexeyay Ciidamo ka Tirsan Militariga Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Daraawiishta koofur galbeed ee ku sugan Magaaladaas sida ay warbaahinta Risaala u xaqiiyeen Ilo wareedyo ku sugan degmada Baraawe.

Xubnaha Wafdiga ee Maanta ku wajahan Magaalada Baraawe ayaa wararku ay sheegayaan in ay doonayaan in ay la kulmaan Saraakiisha Ciidamadii ku dagaalamay Magaalada Baraawe si meesha looga saaro dagaal kale oo ka dhaca Magaalada Baraawe.