AKHRISO:- Somaliland oo ka hortimid baaqii Qaramada Midoobay

0

Somaliland ayaa soo dhoweysay baaqa kasoo baxay golaha ammaanka ee qaramada midoobay, kaas oo looga hadlay dagaalka magaalada Laascaanood.

Golaha ayaa sidoo kale ka dalbaday Somaliland inay ciidamadeeda kala baxdo magaaladaas.

Laakiin Somaliland ayaa ka hortimid qeyb ka mid ah qaraarka golaha ammaanka, iyada oo sheegtay in si khaldan wax loogu sheegay golaha.

Waxay sheegtay inay ciidamadeeda kala baxday Laascaanood 26-kii Febraayo. “Waxaan tan iyo xilligaas ay [ciidamada Somaliland] difaac adag ku lahaayeen meel ka baxsan magaalada Laascaanood. Ciidamada Somaliland ayaa si adag uga hortagay in ay waxyeelo soo gaarto dadka rayidka ah,” ayaa lagu yiri warka Somaliland.

Somaliland ayaa sidoo kale sheegtay in baaqyada wada-hadal ay diideen madaxda beelaha Laascaanood.