AKHRISO:- Duulimaadyadii gobolka Gedo oo dib u billowday kadib toddobaad ay xayirnaayeen

0

Duulimaadyada gobolka Gedo ayaa maanta si kmg ah dib ugu bilowday kaddib markii muddo ka badan toddobaad ay xayiraad saarnayd.

Khilaaf ayaa in muddo ahba ka taagnaa gobolka, kaas oo ku saabsan maamulka garoomada gobolka iyo khilaafka muddada dheer jiray ee u ka taagan Jubaland.

Ilaa saddex duulimaad ayaa maanta ka kacay garoonka Doolow iyadoo ay saddex kalana tageen, berri ayaa sidoo kale la filayaa in magaalada Garbahaarrey ay tagaan duulimaadyo kale.

In kabadan toddobaad ayey duulimaadyadu hakad ku jireen taasoo uu sabab u ahayd khilaaf horay u jiray.

Dadka maanta ka duulay gobolka gedo waxay u badnaayeen dad xujey ahaa oo ku xayirnaa gobolka iyo dad xanuunsanaa oo loo dhoofinayay Muqdisho.

Maamulka ka taliya inta badan degmooyinka gobolkaas ayaa sheegay in markii hore ay diideen shakhsiyaad ay sheegeen in laga soo diray magaalada Kismaayo, waa sida hadalka loo dhigaye, balse markii dambe uu arrrinta soo faro geliyay xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Gedo waxaa tan iyo 2019-kii ka taagan khilaaf u dhexeeya siyaasiyiinta gobolkaas iyo maamulka Jubaland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).