AKHRISO:- Ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS oo howlgal wadajir ah sameeyay

0

Ciidamada Burundi ee qaybta ka ah hawlgalka ATMIS iyo Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa qaadey Howlgal dagaal oo wadajir ah oo ay ka sameeyeen wadada u dhaxeysa degmada Balcad iyo Tuulada Galooley ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wadadaas ayaa dhowr jeer waxaa weerar ka fuliyay Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab, iyaga oo beegsaday Mas’uuliyiin iyo Askar katirsan dowladda Soomaaliya.

War kasoo baxay howlgalka ATMIS ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu burburiyey jidgooyooyin sharcidaro ah oo ay dhigeen Ururka Al-Shabaab.

Sidoo kale ATMIS ayaa waxaa kaloo sheegtay in howlgalka looga hortegay Xubno katirsan Al-Shabaab oo qorsheynayey iney weeraro ku soo qaadaan Ciidamada Dawlada, ATMIS iyo shacabka deegaanka.