AKHRISO:- Ciidamo gadoodsan oo xirtay waddooyinka gala Madaxtooyada Puntland

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo katirsan kuwa Maamulka Puntland oo gadoodsan ay xirteen wadada gasha wasaaradaha iyo xarunta Madaxtooyada ee Garoowe .

.Ciidamadaan oo ay kujiraan kuwa ilaaliyaha Madaxtooyada, isla markaana wata hubka noocyadiisa kala duwan ayaa sheegay inay ka gadoodsan yihiin mushaar la’aan, iyaga oo Xukuumadda ka dalbaday inay xaquuqdooda helaan.

Ciidamada ayaa sidoo kale isku fidiyey waddooyinka Wasaaradaha gala, iyaga oo dib u celinaya Shaqaalaha iyo masuuliyiinta Wasaaradaha oo shaqo ku wajahan, waxaana taasi ka dhalatay caqabad Shaqo.

Shalay ayey aheyd markii sidaan oo kale Ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan ay xirteen wadooyinka gala Dekedda Magaalada Boosaaso, waxaana tallaabooyinkaan ay kusoo aadayaa xilli degaannada Puntland laga qabtay doorashooyin qof iyo Cod ah.