AKHRISO:- Erdogan oo ku guuleystay Doorashada Madaxtinimada dalka Turkiga

0

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan, ayaa ku guuleystay doorashada Madaxweyne ee dalka Turkiga shanta sano ee soo socoto. Wuxuu tartan adag la galay hoggaamiyaha xisbiga Jamhuuriga ee CHP.

Erdoğan ayaa waxa uu helay 52.87%, halka Murashaxa Mucaaradka ee Kemal Kılıçdaroğlu 47,13%. Waxaa la tiriyey 99% Sanaadiiqda Cod-bixinta, balse, Golaha Doorashada dalka Türkiye weli kuma aysan dhawaaqin Natiijada Rasmiga.

Natiijooyin hordhac ah ayaa muujinaya inuu Madaxweyne Erdoğan Codadka ugu badan ka helay 8 Gobal oo ka mid ah 11-kii Gobal ee uu Dhul-gariirku ka dhacay bishii February ee sanadkan, kuna geeriyoodeen 50,000 oo qof.

Goballada sida xoogan loogu codeeyey Madaxweyne Erdoğan waxay kala yihiin: Adıyaman, Gaziantep, Kahramanmaraş, Kilis, Malatya, Osmaniye, Şanlıurfa and Elazığ.

Kemal Kılıçdaroğlu waxa uu Istanbul ka helay 50.61%, halka uu Erdoğan ka helay 49.34%.

Sidoo kale, Madaxweyne Erdoğan waxa uu Caasimadda dalkaasi ee Ankara ka helay 51.41%, halka Murashaxa Mucaaradka ee Kemal Kılıçdaroğlu ka helay in ka badan 48.59%.