AKHRISO:- Maamulka Koonfur Galbeed oo gacanta ku dhigay Xubin katirsan Al-Shabaab

0

Ciidanka Hay’ada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed ayaa Gacanta kusoo dhigey Xubin ka katirsan Ururka Al-Shabaab, kaas oo saraakiisha Ciidamada ay sheegeen innuu doonayey in uu si dhuumaalaysi ah kaga safro Garoonka Diyaaradaha Ee Baydhabo si uu falal amni daro ah uga soo fuliyo Magaalada Gaalkacyo.

Xubintan katirsan Al-Shabaab oo magaciisa lagu sheegay Ibraahim Cabdullaahi Jaamac oo gudaha Al-Shabaab looga yaqaanay Fahad ayaa sheegay in Aabihiis uu ku tashkiiliyay ku biirista Al-Shabaab, isaga oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo, isla markaana uu tababar kusoo qaatay degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Wuxuu sheegay in markii laga qabanayay Garoonka diyaaradaha Baydhabo madaxdanka sarreysa ay ku amreen in uu tago Magaalada Gaalkacyo oo uu ku dhashay si uu falal amni darro ka geysto.

Saraakiisha Ciidanka Hay’adda NISA ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Ninkaan ay xogtiisa hayeen mudana ay ku raadjoogeen, isla markaana hataan ay ku wareejin doonaan laamaha amniga Soomaaliya.