AKHRISO:- Dowladda Masar oo dooneysa in loo dhoofiyo Hilibka Xoolaha Soomaaliya

0

Wasiirka Sahayda iyo Ganacsiga Gudaha ee dowladda Masar, Dr. Cali Al-Masiilixi oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Qaahira ayaa ka hadlay Samaynta uu Dagaalka Sudan ku yeeshay Xoolaha Nool ee ay ka soo dhoofsan jireen.

Wasiirka waxa uu tilmaamay inay Maxjarada Masar haatan ku jiraan 5,000 oo Neef oo Lo’da laga keenay Sudan, isla markaana ay caqabado adag ka dhalan karto xoolaha laga keeno Sudan sababo la xiriira daruufaha haatan ka jirta dalkaasi.

Waxa uu intaasi ku daray inay kulamo la qaadan doonaan Wakiilo la socda dalka Sudan, si looga tashado Ganacsiga Hilibka Xoolaha ee loo iib geyn jirey Masar.

Dhanka kale, Wasiirka Sahayda iyo Ganacsiga Gudaha ee dalka Masar waxa uu tilmaamay inay daraasayn ku hayaan sidii dalalka Somalia iyo Chad looga soo dhoofsan lahaa Hilibka Xoolaha, si loo buuxiyo Gabaabsiga Hilibka ee ku soo wajahan Suuqyada Hilibka ee Masar.

Wasiirka waxa uu hoosta ka xariiqay in Hilibka Xoolaha laga keeno dalka Sudan uu had iyo jeer ahaan doonaan Isha Koowaad ee Hilibka laga isticmaalo dalka Masaarida.