AKHRISO:- Ciidanka Booliska degmada Waaberi oo gacanta ku soo dhigay Eedeeysane qof shacab ah waxyeeleeyay

0

Ciidamadda booliska degmada Waaberi ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane lagu magacaabo Cabdi Maxamed Khaliif Cabdi Haash Gaad 31 jir ah, kuna eedeysan inuu Toorey caloosha uga dhuftay Maxamed Cabdullahi Sheekh.

Eedeysanaha oo la soo qabtay xalay ayaa dhibkaan geystay, waxayna saraakiisha boolisku sheegeen in eedeysanaha ay cadaaladda hor hor geyn doonaan.

Taliska Boolisku ma sheegin waxa keenay ninkaan ku kaliftay inuu caloosha toorey uga dhufto dhibanaha, waxaana xusid mudan in isla gudaha degmada Waaberi laga soo qabtay ninkaan ku eedeysan inuu dhibka geystay.