AKHRISO:-Ciidanka Jubbaland oo howlgal ka sameyeey Afmadow

0

Ciidaamada Jubbaland ee fadhigeedu yahay degmada Afmadow ayaa maanta howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ka sameeyay deegaanno hoos yimaadda Afmadow, si loo xaqiijiyo badqabka muwaadiniinta ku ciideysa farxadda.

Howlgalkan ayaa ujeedkiisu ahaa in laga hortago dhagarta kooxda khawaarijta Al Shabaab ee caadeystay daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidanka daraawiishta Jubbaland ee degmada Afmadow G/dhexe Mahad Maxamed Islaam oo hoggaaminayay howlgalkan ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan doonaan howlgalada lagu cirib tirayo Khawaarijta.