AKHRISO:- Ciidamada dowladda oo degaano dhowr ah kala wareegay Al-Shabaab

0

Ciidamada dowladda iyo kuwa dib-u-xoreynta deegaanka ee Gobolka Hiiraan ayaa kaabiga ku haaya deegaanka Booco oo dhaca qiyaastii 50KM Koonfurta Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Howlgalka hoggaaminaya Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo ay wehlinayaan saraakiil ciidan oo ay kamidyihiin Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay Taliyaha qeybta 27-aad ee Janeraal Tawane Axmed Maxamed iyo Mas’uuliyiin kale.

Ciidamada xoogga dalka qeybaha guutada 5-aad qeybta 27-aad guutada 8-aad ee Gorgor iyo ciidanka kumaandooska Danab oo aay bar-bar socdaan ciidanka Dib-u-xoreynta deegaanka ayaa fulinta howlgalka iska kaashanaya, waxaana sidoo kale qeyb ka ah Diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada Caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya ka caawiya la dagaalanka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan ayaa sheegay in looga baahan yahay Ciidamada degaanka iyo dadka Shacabka iyo kuwa dowladda Soomaaliya in iyaga oo iskaashanaya ay siwadajir ah degaannadooda uga xorreeyan Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in ka guddoomiye ahaan uusan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab joojin doonin ilaa iyo inta ay ka saarayaan degaannada iyo degmooyinka ay kaga sugan yihiin Gobolka Hiiraan.

Waa todobaadkii labaad oo xiriir ah oo ay Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadaan degaano u dhaxeeya Magaalada Beledweyne iyo degmada Buulo-burde, iyaga oo degaano la wareegay.