AKHRISO:- Mas’uuliyiin booqday degaano uu ka fatahay Wabiga Shabeelle.

0

Guddoomiyaha Gobolka Shabellada Dhexe ahna Duqa Magaalada Jowhar Axmed Meyre Makaraan iyo xubno ka tirsan Maamulka Gobolka iyo kan Degmada Jowhar ayaa kormeer indha-indheyn ah ku tagay Tuulada Raqeyle oo dhawaan fatahaad uu ka sameeyey wabiga Shabelle

Odoyaasha iyo Maamulka Tuulada ayaa Gudoomiyaha Warbixin kasiiyay saameynta fatahaada ay ku yeelatay waxayna soo bandhigeen qasaaraha uu geystay wabiga fatahay.

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo lagu xakameeynayo fatahaada Shacabkana laga doonayo inay kaalin ka qaataan dadaalada socda waxa uu sido kale Hay’adaha gurmadka ugu baaqay iney uso gurmadan Dadka ay saameysay fatahaada

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka ayaa kormeerka kusoo gabagabeeyay wadada aada Xaafada Buulo Sheekh oo dib ufurid & dayactir lagu sameynayo