AKHRISO:- Madaxweyne Xasan Sheekh” Waan la diriri doonaa Mas’uuliyiinta Gaadiidka dagaalka ku dhex wata Magaalada”

0

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo ayaa sheegay inay mamnuuc tahay in Gaadiidka dagaalka oo hub saaran yahay oo ay wasiiro iyo madax kala duwan wataan in lagu arko Magaalada Muqdisho.

Wuxuu shegay in Ciidamada iyo Gaadiidka dagaalka ee diida in lagu istaajiyo baraha koontorool ee kuyaalla Magaalada Muqdisho sida Al-Shabaab loola dagaalami doono.

Mas’uuliyiinta Magaalada Muqdisho ku dhex wata hubka waaweyn iyo Gaadiidka dagaalka ayuu sheegay inay faan iyo xarako ka tahay balse aan laga aqbali doonin.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu mucaaradka ahaa Magaalada Muqdisho ku dhex watay Gaadiidka dagaalka aad u farabadan iyo Ciidamo, waxana mar Gaadiidkiisa lagu rasaaseeyay afafaaka hore ee Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho.