AKHRISO:- Weraar lagu qaaday shirkad ganacsi oo Bosaaso kutaala

0

Waxaa lagu guulaystay daminta dabkii qabsaday Super Marketka weyn ee shirkadda Almacruuf ee magaalada Bossaso, iyadoo qayb ahaanna la badbaadiyey hantidii taallay sida ay Allgalgaduud u xaqiijiyeen masuuliyiinta maamulka shirkaddaasi.

Dabkaan ayaa ka dhashay weerar banbaanooyin ah oo xaruntaasi ganacsi lagu qaaday caawa, waxaana ku dhintay nin ka mid ahaa illaalada goobtaasi, kaasoo lagu magacaabi jiray Maxamuud Guursade.

Bambaanooyinkaas qarxa ayaa dhaliyey dab xoogleh, kaasoo qabsaday qaybo badan oo ka mid ah ganacsiyadii yaallay halkaasi, burbur kalana geystay.

Dadweyne aad u badan iyo gaadiidka dabdamiska ayaa goobtaasi tagay, iyadoo lagu guulaystay damintiisa, iyo badbaadinta qaar ka mid ah hantidii taallay.

Dadkii weerarkaasi geystay ayaa goobta ka baxsay, iyadoo ciidamada ammaankuna ay halkaasi gaareen, xireenna waddooyinka qaar, waxaana jira hawgallo amni oo caawa ka socda magaalada.

Dhacdadaan lagu bartilmaaneedsaday goobta ganacsi ayaa ah mid ku cusub deegaannada Puntland, mana ahayn mid looga bartay Puntland weerarid xarun ganacsi, inkastoo meelo kala duwan oo dalka Soomaaliya ah ay horay uga dhaceen weerar hotello lagu qaaday iyo baro ganacsi.