AKHRISO:- Duqa Muqdisho iyo Saraakiil kormeeray Isbitaalka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo dib-u-dhis lagu sameeyay

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu weliyo Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Cabaas Amiin Cali iyo Guddiga Bangiyada Soomaaliyeed ayaa kormeer ku sameeyay qeybta Saalada Isbitaalka Xooga dalka Soomaaliyeed oo dib-u-dhis lagu sameeyay taasi oo ay maalgeliyeen Guddiga Bankiyada Soomaaliyeed.

Dib-u-dhiskaan ayaa yimid kadib markii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho uu ka codsaday Guddiga Bangiyada Soomaaliyeed in ay gacan ka geystaan dib-u-dhiska Isbitaalka xooga, Waxa uuna Duqa Muqdisho kaga mahadceliyay guddiga bangiyada jawaabta ee ka bixiyeen codsigaasi oo suuragal ka dhigay in maanta Taliska Ciidanka Xooga dalka lagu wareejiyo Qeybta Saalada ee Isbitaalka xooga dalka oo dib-u-dhis balaaran lagu sameeyay.