AKHRISO:- Mareykanka oo safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya

0

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa u magcaabay Richard H. Riley inuu noqdo safiirka cusub ee Maraykanka u joogi doona Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay aqalka cad.

Safiirka cusub ee Soomaaliya loo magacaabay ayaa haatan xil sare ka haya wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka, gaar ahaan safaaradda Maraykanka ee Canada.

Richard H. Riley ayaa hore uga soo shaqeeyey dalalka Pakistan, Afghanistan, Iraq, UK, China, Russia iyo Yemen. Danjiraha cusub ayaa bedelaya safiirka Maraykanka haatan u jooga Soomaaliya ee Larry Andre.

Sidoo kale madaxweyne Joe Biden ayaa magacaabay safiis cusub oo dalka Maraykanka u fadhin doona dalka Liberia.