AKHRISO:- Mareykanka & Madaxweynaha Somaliland oo War kasoo saaray Colaada Laas-Caanood

0

Xilli Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya ee muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Larry André u ugu baaqay Madaxweynaha Somaliland in uu kala fogeeyo ciidamada Laascaanood ku dagaalamaya, isla markaana uu jeexo kharidad doorasho ayaa waxaa warkaas ka jawaabay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Qoraal lagu taabacay Barta Twitterka ee Tv-ga Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu kula dar daarmay dhammaan ciidamada kala duwan inay sii laba jibaaraan dedaalkooda, isla markaana ay ka feejignaadaan cid kasta oo damacsan inay amniga qaranka wax u dhinto.

Tallaabadaan ayaa dad badan u arkaan in ay tahay mid sii xoojineyso colaada Magaalada Laas-Caanood oo ku dhawaad muddo laba bilood ah ay ku dagaalamayaan Ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka ee la Magac baxay SSC.

Colaada Laascaanood ayaa wali taagan iyadoo beesha caalamku ay marar kala duwan ku baaqday in miiska wadahadalka lagu dhameeyo, isla markaana dadaalo dhexdhexaadineed oo ay samaysay Itoobiya aysan guulaysan.

Sidoo kale waxaa Magaalada Laas-Caanood tegay Odayaal dhaqan oo ka tegay Magaalada muqdisho, kuwaas oo howlo dhex-dhexaadin ah waday, balse ay dib ugu laabteen Magaalada Garoowe oo markii hore ay ka tageen kadib markii Somaliland ay diiday dhex-dhexaadinta.

26 bishan ayaa Afhayeen u hadlay Millateriga Somaliland waxaa uu ku dhawaaqay inay qaadayaan weeraro qorsheysan oo ay kula dagaalamayso xoogaga dagaalka kula jira.

Walaac xoogan ayaa laga muujinayaa colaada Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, taas oo ay ku dhinteen dad ku dhow 200 oo Ruux sidoo kalena boqolaal qoys ay ka barakaceen.