AKHRISO:- Booliska oo howlgal ku qabtay Kooxo Ciyaal weero ah

0

Ciidanka Booliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir gaar ahaan ciidanka Deegaanka Ceelasha Biyaha oo sameeyay Howgal Amni xaqiijin ah ayaa gacanta kusoo dhigay tiradii ugu badnaa oo kamid ah Ciyaaleerada, kuwaas oo watay Tooreeyo, Baangado islamarkaana ku howlanaa dhibaateenta Shacabka Soomaaliyeed.

War kasoo baxay taliska Booliska ayaa lagu sheegay in Ciidanka ay Kooxda ka qabteen waaxda Jabad-gelle ee degaanka Ceelasha Biyaha, waxaana dhamaantood lagu soo xiray Saldhigga degaanka.

Howlgallada ka dhanka ah Ciyaal-weerada iyo Burcadda ayaa si wanaagsan u socda, waxaana Taliska Booliska Qeybta Guud ka go,an sii laba jibaarida Howgalladaan si Amaanka Bulshada u noqda Mid sugan.