Nabaddoon Caan ah oo xalay lagu dilay Gaalkacyo

0

Kooxo hubeysan ayaa xalay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ku dilay Nabadoon Cabdi Aadan Siyaad Cabdi-dheere, xilli uu kasoo baxay Masjidka Ramadaan ee uu kusoo dukaday.

Kooxihii dilka ka dambeeyay ayaa goobta ka baxsaday, iyada oo Ciidamada ammaanka ay ku raad joogaan.

Ciidamo katirsan kuwa maamulka Puntland ayaa gaaray halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo sameeyay howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilkaas wallow aysan ku guuleysan inay soo qabtaan.

Magaalada gaalkacyo oo ay kala Maamulaan Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa horay uga kala dhacay dilal qorsheysnaa, waxaana badi dilalkaas mas’uuliyadooda sheegtay Al-Shabaab.