AKHRISO:- Howlgalka ATMIS oo ku dhawaaqay inay ku biirayaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka

0

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) u qaabilsan dhanka Howlgallada iyo Qorshayaasha, Maj. Gen. Marius Ngendabanka ayaa booqday Ciidamada ATMIS eek u sugan Beledweyne si uu u qiimeeyo xaaladooda.

Marka loo eego qeybta militariga ee ATMIS, Beledweyne waa xarunta ugu weyn ee Sector Four oo ay joogaan ciidamada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya. Sidoo kale waxaa ka mid ah gobolka Hiiraan oo ay ciidamada ATMIS iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed ay dhawaanahan ka qabsadeen dhul badan oo ay horey gacanta ugu hayeen Al-Shabaab.

“Waxaan halkaan u nimid inaan qiimeyno daryeelka ciidamadeena. Meelaha aan booqanay waxaa ka mid ah Isbitaalka Heerka 2-aad oo si wanaagsan u daweynaya ATMIS-ka iyo Ciidamada Soomaaliyeed iyo sidoo kale bulshada deegaanka ee ku nool deegaanada ku xeeran Beledweyne” ayuu yiri Maj. Ngendabanka oo sidoo kale ah ku simaha taliyaha ciidamada.

Maj. Gen. Ngendabanka ayaa wadahadalo la yeeshay taliyeyaasha qeybaha, wuxuuna kormeeray qaar ka mid ah xarumaha Afaraad ee muhiimka u ah taageerada saadka ee ciidamada ku sugan jiida hore ee dagaalka.

Wuxuu ku ammaanay ciidamada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya sida ay u garab istaageen ciidamada XDS ee duullaanka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo xaqiijinta amniga iyo xasilloonida magaalada Beledweyne iyo nawaaxigeeda.

Dhankiisa, Taliyaha Qeybta Afaraad, Col. Xasan Jaamac Faarax ayaa tilmaamay horumarka laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-shabaab iyo caqabadaha lagala kulmay duullaanka milateri ee socda.

“Booqashada Taliye ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka waxa ay salka ku haysaa sidii kor loogu qaadi lahaa niyadda ciidamada iyo qiimeynta sida ay diyaarka ugu yihiin howlgallada socda iyo kuwa soo socda. Wafdiga ayaa sidoo kale booqday Isbitaalka Heerka 2-aad, si ay ugu kuur galaan xaaladiisa, waxaana ay kala hadleen arrimo kale oo dhanka saadka ah” ayuu yiri Col. Faarax.

Maj. Gen. Ngendabanka ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyey Taliye ku xigeenka ciidamada ee dhanka Saadka iyo Taakuleynta Maj. Gen. Peter Kimani Muteti iyo saraakiil sare oo ka tirsan ATMIS.