AKHRISO:- Puntland oo qabaneyso Shirweyne Caalami ah

0

Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqday in ay qabanayaan Shir weyne Caalami ah oo ku saabsan Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Puntland.

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga ee Maamulka Puntland Cabdalle Cali Maxamed Xaashaawe oo oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in Shirkan la qaban doonno 13- illaa 15 bishaan Maarso .

Wasiirka ayaa sidoo kale Tilmaamay in Shir weynaha oo ka furmi doona Garoowe ay ka qayb geli doonnaan Wufuud Caalami ah oo ka kala imaanaya dalalka Maraykanka iyo Shiinaha.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Ujeedka Shirweynaha loo qabanayo ay tahay in la helo cid Aqoon iyo dhaqaale ku maalgelisa Khayraadka dihin ee Puntland .