AKHRISO:- Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay xubnaha Goleyaasha Dowladda

0

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay xubnaha Goleyaasha Dowladda ee ku sugan Boosaaso, gaar ahaan Wasiirada iyo Xildhibaanada Golaha Wakiillada ee howlaha shaqo u jooga Boosaaso.

Kulanka oo ahaa is xogwareysi ayaa looga hadlay Guud ahaan xaaladda Puntland, sida Xasuuqa Maamulka Somaliland ku hayo dadka Laascaanood iyo Sidii loo sii dardargelin lahaa gargaarka iyo garab istaaga dadka dhibaatadu soo gaartay, Is-diiwaangelinta Doorashada Goleyaasha deegaanka oo maraysa meel wanaagsan, Amniga Guud ee Puntland iyo Horumarinta Degmada Boosaaso.